Free Web Hosting Provider - Web Hosting - E-commerce - High Speed Internet - Free Web Page
Search the Web


cilmi iyo hodan
  sheeko jaceyl | heeso | aaraahda aqristaha | La talinta | home | cilmi iyo hodan | Nabsi iyo soo noqosho  

waa sheekadii cilmi boodhari iyo hodan cabdule

Xiligii uu go,ay cilmi ilaa haadatan la joogo  waxeey dadku ku halqabsadaan

Ama lamanayaashu  markeey wadaagayaan caashaqa is dhaaf dhaafsadaan 

Jaceylii cilmi boodhari uu u qabay  hodan misana uu heli waayey

Dadka indha indheeya caashaqa had iyo jeer waxeey afka ku haayaan jaceylkii

Cilmi iyo hodan taas oo ah taariiqdii ugu darned ee soo marta dalkeena

Soomaliyteed  qaasatan   taariiqyada jaceylka ka faalooda



Cilmi wuxuu ku noolaa mii sidaas daraadeed isagu kuma aanan faraxsaneen

Migii uu ku nolaa waa tan markii dambe ku adkaatay nolashii reer miiga

Dabadeed wuxuu yimid magaalada hargeysa  halkaas ayuu ku bilaway nolol cusub

Oo ka duwan tii miiga

Cilmi boodhari  isagu waligiis muuna imaan magaalo wuxuuna ahaa dhalinyaro aay

Ku cusub tahay dhanqanka magalada  inkastoo cilmi aay aad u dhibtay sidii uu ula qabsan lahaa nolashiisa cusub hadaan xuso xiligaas waxeey eheed xiligii  aay dhamaaden

Dagaalkii ka dhaxeeyay  Sayd max,ed cabdule  xasan iyo  kumeysigii ingiriiska

Oo wali waxa jirtay saan saan colaadeed  gumeystuhuna ma uusan ka talin jirin badankood  magaaloonyinka

 laakin waxa saldhig u eheed magaalada xeebta ah ee berbera  oo markaas gumeytihi

wax ugu  soo degi jireyn 

 Cilmi boodhari  sanadku markuu ahaa 1931 wuxuu yimid magaalada berbera

Hadaan xuso berera waxeey ka mid tahay  magaalooyin ugu dhismaha horeyyay

Dalkeena soomaaliya waxeey kutaalaa berera xeebta bada cas

 

Cilmi markii uu yimid magaalada berbera wuxuu aad u indha indheeyay

Sida aay u dhaqmaandadka dagani iyo sida aay hdaba ku dabaraan nolasheeda

Iyo tan qooskooda

 

Cilmi waxaa si fiican u gacan qabtay nin dhalin yaro ah oo ka tirsan qooskooda

Meelna uu kula noolaa intii uu shaqo ka helaayay

Cilmi isla markiiba wuxuu noqday nin dhaliyrada  ay wada  barteen

Sababtoo ah aad buu u furfurnaa iyo aftahanimadiisa oo heer sare eheed

 

Cilmi markii uu  dhoor bilood deganaa magaalada berbera  ayuu maalintii dambe shaqo ka helay hodheel cunada lagu sameeyo oo uu lahaa nin carbeed oo daganaa magaalada

Berbera

        Mudo markii uu ka shaqeeynayay hodhelkaas ayuu Cilmi si wanaagsan u bartay sida

Cunada loo sameeyo  hooshiisiina si hufan ugu soo baxay

Mudo halsano ah ayuu cilmi ka shaqeenayay hodheelkaas

Ka dib wuxuu u wareegay dukaan lagu sameeyo rootiga ama foornada labadooda sidaad

U garaneysiinba oo aan meeshii hore ka dheyreyn 

Cilmi markaay qoraxdu soo if baxday ayuu aaday dukaankii si uu u qabto hooshiisii

Laga rabay  markii uu yimid dukaankii ayuu arkay in dad badani u buuxaan ka dib intuu furay dukaankii ayuu u fasaxay in dadkii rootigii laga iibiyo

  Inyar markii uu fadhiyay  ayaa dukaankii waxaa soo gashay gabar aad u da yar oo roodhi dooneeyso isla markii aay soo gashay aay nabdaadisay oo tidhi :­- subax wanaagsan

Uma uu san jawaabin isagana wuxuu yiri :-

Maxaad dooneeysaa? 6 xabo oo roodhi ah ayaan doonayaa  lacagtii inteey miiska u saartay ayeey u mahadcelisay 

Cilmi intii uu duubayay roodhidii ayuu aad u fiiriyay wajigeeda oo inantu waxaa ka muuqata furfurnaan  lamoodana ubax aroor hore qoraxdu aay qabatay

Isla markiiba wuxuu niyadiisa dib ugu celiyay sidii ay u hadleysay oo asluub ku dheehaneed wuxuuna ka xumaaday in uusan ugu jawaabin slaaantii aay salaantay

Wuxuu jecleystay wixii dhacay in aay dib u dhacaan markale si uu ula sheekeysto

Gabdhaas waxaa la oran jiray   Hodan cabdule waxeeyna ku dhalatay magaalada berbera

Sanadku markuu ahaa 1923kii hodan aabaheed wuxuu ka mid ahaa raga ugu ladan ama ugu shaqo wanaagsanaa magaalada berbera wuxuuna ahaa turjumaan u shaqeeya ingiriiska hadaa xuso markaa  waxaa magalada berbera ugu lacag badnaa dadka turjumaanada ah

 

Hodan waxeey eheed gabar uu ilaah  heebad u siiyay dabeecad wanaagsan waxeey eheed

Gabar  ad u xaqdhoorta waalidkeed  inkasto ay hodan mamuus wanaagsaneed laakin

Ma aysan joogin xili la jeclaado oo aad beey u da yareed waxeyse aheed gabar la soo

Kaceyso qurux iyo dabeecad wanaagsan

    Maalin maalmaha ka mid ah ayaa hodan loo diray roodhi dabadeed waxeey jidka kula kulantay gabar aay daris ahaayeen oo iyadana dooneeyso in ay roodhi soo iib sato

Halkii beey isku lug darsadeen  , mudo  yar ka dib ayay soo gareen dukaankii  cilmi uu roodhidii ku iibinaayay oo aad loogu buuxo

     In yar ka dib ayy dadkii kala yaraadeen markas bey heleyn meel banaan oo aay

U maraan ninka roodhida iibinaayo

       Waxaa markiiba hor martay gabadhii kale  Hodana wey daba joogtay

Maxaan idnka iibiyaa ayuu yiri cilmi boodhari isagoon wajiyadooda aad u fiirsan

       Gabadhii kale ayaa tiri Hodan imisa xabo oo roodhi ah ayaan dooneeysaa ?

Hodana waxeey ku jawaabtay 8 xab ayaan doonayaa  ee hoo lacagta

    Gabadhii kale ayaa dhamaan  lacagtii gacanta ka saartay 

Cilmi oo ku dheygagsan  Hodan

la soco jaceylkii cilmi iyo hodan
manapolio@hotmail.com

manapolio@hotmail.com